Murashaxiinta oo Farmaajo ku eedeeyay in uu wado ‘daandaansi dagaaal’

Golaha Midawga Murashaxiinta u taagan jagada madaxtinimada ee dalka Soomaaliya ayaa bayaan ay hadda soo saareen waxay ku sheegeen ‘in madaxweyne Farmaajo uu wado amni darro’.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu cadaynayaa in Madaxweyne Farmaajo uu qaadayo masuuliyadda ka dhalata daandaansiga dagaal iyo kicinta xaaladda colaadeed ee lagu qalqalaniyo aminga dalka guud ahaan iyo gaar ahaan midka hoggaamiyayaasha midowga murashaxiinta.” ayaa lagu yidhi war hadda uu soo saaray murashaxa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxa sidoo kale ka hadlay arintan ka hadlay xubno mucaaridka ah oo uu ka mid yahay xildhibaan Mahad Salaad.

Muqdisho waxa ka jirta xiisad kulul oo u dhaxaysa xukuumadda iyo xubnaha mucaaridka ee u taagan jagada madaxweynaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga