Soomaaliya waxay mar kale cagaha la gashay murano siyaasi ah iyadoo hogaanka dalka uu mar kale khilaaf kusoo noqonayo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa raysalwasaare Rooble ku eedeeyay in uu ku fashilmay hawlihii doorashada ee loo igmaday, isagoo ku hanjabay in uu ka wareejinayo masuuliyadda doorashada.

Dhanka kale, waxa jira khilaafaad u dhexeeya gudiyada doorashada iyo kuwa xalinta khilaafaadka, iyadoo gudoomiyihii heer federaal ee doorashooyinka xilka laga qaaday maalintii shalay ahayd, welina aan la dooran cid cusub.

Golaha Midawga Murashaxiinta ayaa iyaguna mawqifkooda ku sheegay in ay taageersanyihiin shirka wada tashiga ee 27ka bishan loo qorsheeyay in uu Muqdisho ka dhaco, iyagoo ugu baaqay gudiyada doorashada in ay dardar galiyaan qabsoomida doorashooyinka, soona af jaraan khilaafka jira.

Waxa la sheegayaa in uu baaqday shirkii golaha wada tashiga qaran ee 27-ka bisha qabsoomi lahaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga