Madaarka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxa la dhigay kooxo dhakahaatiir ah oo loogu talo galay in ay baadhitaan ku sameeyaan dadka kasoo degaya madaarka ee ka imanaya dibadda waddanka, si ay uga baadhaan caabuqa dilaaga ah ee bahwaynta coronovirus ka tirsan kaas oo dhawaan ka dilaacay gudaha wadaanka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan.

Wasaaradda caafimaadka ayaa xustay in ay wado dedaalo ay kaga hortagayso cudurka, isla markaana lagu hubinayo badqabka dadka kasoo degaya madaarka.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa booqasho ku tegay madaarka, iyagoo soo kormeeray sida ay hawl-wadeenadu u wadaan hawsha hubinta iyo baadhitaanada.

Caabuqan ayaa boqolaal qof ku laayay waddanka Shiinaha, isagoo soo ritay kumanaan kale oo cisbitaalada la dhigay , waxaana heegan ay wadamada adduunku ka galeen sidii aanu usoo aadhi lahayn wadamadooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga