Xubnaha midowga Musharaxiinta Madaxweynenimada Soomaaliya, oo maanta mar kale warbaahinta Muqdisho kula hadlay, ayaa daboolka ka qaaday dibad-bax kale oo lagu qabto taallada Daljirka Dahsoon.

Xubnaha midowga ayaa ku sheegay bannaan-baxan, in ujeedkiisu tahay ”doorasho xor iyo xalaal ah” taasi oo laga qabto Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, sidoo kalena ah guddoomiyhaha midowga murashaxiinta Soomaaliya, inaanay weli wax tanaasul ah ka muujin dibad-baxyadii ay ku baaqeen, kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo nabadeed.

Sheekh Shariif ayaa bulshada ugu baaqay, inay iskugu yimaadaan taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dibad-baxu yahay mid dastuuri ah, isla markaana waxaa uu la hadlay ciidanka isagoo u sheegay inaan loo adeegsan wax aan sharciga waafaqsanayn.

SAAB TV, isha warka laga helo.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga