Madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ”Laftagareen” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya iyadoo wefdiga madaxwayne Laftagareen si weyn loo soo dhoweeyey.

Madaxwaynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, ayaa noqonaya madaxwaynihii saddexaad ee maamul-goboleed ka socda, kaasi oo gaadha Xamar.

Waxaa hore ugu sugnaa madaxwayneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxwayne Laftagareen, ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda dawladda federaalka Soomaaliya.

Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah, kuwaasi oo lagaga arrinsanayo xulista raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyo weliba shirka Dhuusamareeb sida ay ku warramayso warbaahinta Muqdisho.

Saab TV, wehelka dadwaynaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga