Sida ay sheegayaan wararka uu Saab TV ka helayo magaalada Muqisho qarax loo adeegsaday baabuur lagu xidhay walxaha qarxa, ayaa saaka waxaa lala beegsaday Halka qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay saakay Ex.Koontarool Afgooye, ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan, ayaa waxaa ku naf waayay dad u badnaa arday iyo xoogsato danyar ah, wararka ayaa sheegaya inay ku geeryoodeen ku dhawaad 50 qof oo ay ku jiraan afar ajaanib ah, sida uu warkan kasoo xiganayo Saab TV, weriye ku sugan magaalada Muqdisho.

Goobta ayaa lagu arkayay baabuur qiiqaysa, iyo kuwo gebi ahaanba wada burburay, iyadoo booliska Soomaaliya ay weli wadaan baadhitaan.

Goobta ayaa waxaa ku qulqulaya baabuurta gargaarka degdegga ah.

Kala soco wararka kasoo kordha Saab TV, iyagoo qoraal, maqal iyo muuqaalba ah, ku xidhnow baraha kala duwan ee Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga