Ilaa shan qof oo muhaajiriin ah ayaa dhintay halka in kabadan 130 kalana la la’yahay kadib markii doonyo ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha dalka jabuuti.

Doonyaha oo ay tan dhaafiyeen dadku ayay mawjad xoogani ka hortimi taas oo sabab u noqotay in ay degto sida ay ku warameen dad ka agdhawaa xeebta markii ay degtay.

Dadka deegaanka Obokh ee Waqooyi bari dalka jabuuti ayaa booliska ku wargaliyay doontan qalibantay kadib markii dadka deegaanku ay arkeen dad kasoo badbaaday doonta iyo maydadka dadkii qaraqmay.

War kasoo baxay hay’adda socdaalka Qaramada midoobay ee IOM ayaa lagu sheegay tirada khasaaraha ka dhashay doomahan, oo aan la sheegin meesha ay ku wajahnayd.

Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo muhaajiriin badani ay ku dhinteen badda u dhaxaysa wadamada liibiya iyo talyaaniga oo beegsanaya Qaarada yuurb.

Ciidamda ilaalada xeebaha ee dalka jabuuti ayaa ku hawlan samatabixinta dadka maqan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga