Ilaaladda  xeebaha dalka , ayaa maalintii Jimcihii qabtay  236 muhaajiriin sharci daro ah oo isku dayey in ay galaan  Jasiiarad ku taalla dalka Giriiga sida ay ku warantay warbaahinta  maxaliga ahi.

Ilaaladdu   waxa ay ku qabteen  lix doonyaha la buufiyo ah oo siday tahriibayaal sharci daro ah  meel u dhaw degmada Cesme oo ka tirsan gobolka Galbeedka ku yaalla    ee Izmir sida ay daabacday jariidada Haberturk . Muhaajiriinta oo ka soo dalalka Suuriya, Soomaaliya , Morroco , Bangladesh , Ciraaq, Afghanistan iyo Congo , ayaan haysan  macluumaadka socdaalka , waxaana ay isku dayayeen in ay gaadhaan Jasiirada Chios ee dalka Giriiga

 Badda Aegean , ayaa mar ahayd meesha  ugu weyn ee ay tahriibayaashu Turkey ugaga sii gudbaan   Yurub , heshiis la kala saxeexday 2016 oo u dhexeeyay Turkey iyo Midowga   Yurub , ayaa hoos u dhigay qul qulka muhaajiriinta shari darada ah Qaarada  galayey, iyaga sii maraya Turkey

Illaa sannadkan 28, 546 tahriibayaal ah , ayaa isku dayey in  ay gaadhaan Jasiiradaha Giriiga iyaga sii maraya Turkey , halkii  2018 ay tiradu ahayd 17, 463 sida lagu sheegay xog ay baahiyeen ilaaladda  xeebaha Turkey

Madaxweynaha Turkey Recep Tayib Erdogan , ayaa ka digay Khamiistii  in Turkey uu xuduudihiisa u furi doono qaxoontiga Suuriyaanka ah si ay ugu gudbaan Yurub , haddiii Ankara   aanay taageero u helin 3.6 milyan reer Suuriya ah oo hoy ka dhigtay ciidda Turkey

Waxa  uu ku dooday , Midowga Yurub ay ballan  qaadeen uun 3.3 bilyan oo Dollar oo gargaar maaliyadeed loo siinayo Turkey

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga