
Illaa 8 qof oo muhaajiriin ah ayaa ay baddu liqday halka la la’yahay muhaajiriin kale oo lagu qiyaasay 12 qof.
Waa xeebaha dalka Jabuuti waxaana dhimashadooda sababtay kadib markii kooxaha mukhalasiintu ay ku khasbeen in ay ka degaan doonta, sida ay ku warantay hay’adda socdaalka qaramada midoobay ee IOM.
Illaa 14 kale ayaa ka badbaaday doonta iyadoo loo fidiyay gargaar cafimaad sida lagu xusay warka kasoo baxay hay’adda IOM ee dalka Jabuuti.
Sideeda qof ee dhintay ayaa lagu aasay Jabuuti iyadoo maamulku uu la wareegay.
Waxa la rumaysanyahay in dhammaan muhaajiriintani ay kasoo jeedaan dalka Itoobiya. Waxa rabeen in ay dib ugusoo laabtaan Geeska Afrika kadib socdaal quus ku dhamaaday oo ay rabeen in ay ku galaan dalka Sucuudiga.
Dalka Yemen ayay sii dhex marayeen, balse xuduudaha oo dhammaantood laga xidhay sababo la xidhiidha xanuunka saf-marka ah ee Covid-19 ayaa sababay in ay dib ugusoo laabtaan xeebaha gobolka.