Madaxweynihii hore ee dalka ku yaala koonfurta qaaradda Afrika ee Zimambwe ayaa lagu aasi doonaa tuuladiisa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisu. Mugabe ayaa la filayay in lagu aaso xabaalaha qaranka ee Zimbabwe kuwaas oo lagu aaso dadka halgamayaasha ah iyo madaxda dalkaas.

Dawladda iyo qoyskiisa ayaa isku khilaafay halka lagu aasayo, iyadoo imika la go’aamiyay in lagu duugo tuulada Kutama oo waqooyi galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Harare.

Robert Mugabe oo muddo dheer u talinayay dalka Zimbabwe ayaa xukunka laga qaaday sanadkii 2017. Isagoo dhawaan ku geeriyooday dhakhtar ku yaala dalka Singabuur.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga