Glen Davis shaqadiisu waxay ahayd darawal, gaar ahaan wuxuu wadi jiray basaska dhaadheer ee midabkoodu huruudda yahay amaba basaska dugsiyada ee dalka Maraykanka, meheraddaas oo uu cimrigiisa intii ugu badnayd ku idlaystay.

Muddo 55 sanno ah, ayuu ardayda marna dugsiga gayn jiray, marna kasoo qaadi jiray, ardaydiisii  carruurtii ay dhaleen kuwii ay sii dhaleen ayuu dugsiga u qaadi jiray, dugsigaasi oo lagu magacaabo Grand Meadow kuna yaalla gobolka Minneasota.

Glen, wuxuu shaqadan bilaabay sannadkii 1949-kii isagoo hawl-gab noqday 2005-tii, wuxuu noqday qof laga jecelyahay deegaankiisa, magacana ku dhex lahaa.

Shan sanno kahor geeridiisa ayay ahayd markii nin iibiya naxashyadu uu Glen ugu deeqay naxash qaabkii baska oo kale leh, kaas oo uu ugu talagalay in lagu rido markay naftu ka haaddo.

Glen dhimay, naxashkii lagu ridayna wuxuu noqday mid u samaysan sidii baskii uu wadi jiray, iyadoo number-ka la siiyayna uu noqday Number 3 oo ahaa number-ka baskii ugu horreeyay ee uu shaqada ku bilaabay.

Dadka deegaankiisa ayaa sheegay inuu ahaa nin bulshada wax badan u soo qabtay maadaama uu ahaa qof daacad ah oo hawl-kar ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga