Dibad-baxyada ayaa wali socda qaybo ka mid ah dhulka ay ka arimiso Israa’iil.

Kumanaan Yuhuud ah ayaa tuban wadooyinka iyagoo dalbanaya in uu is casilo raysalwasaaraha Israa’iil, Ben Netenyahu. 

Magaalada Qudus qaybta ay haysato Israa’iil ayay dad badani mudaharaado ka dhigayaan.

Dibad-baxyada cusub ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii ay xukuumadda Netenyahu soo saartay amaro cusub oo dadka lagu kala dirayo. Isla markaana lagu xadidayo dhaqdhaqaaqyada, iyadoo u sababaysay xanuunka Covid-19 oo wali ku fidaya qaybo ka mid ah Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil waxay ku waramaysaa in dad lagu qiyaasay 16,000 oo qof ay qayb ka yihiin mudaharaaadada imika socda, oo sidoo kale laga dhigayo magaalada caasimadda ah ee Tel Aviv.

Ben Netenyahu waxa diidan in badan oo Israa’iiliyiinta ah, kadib markii lagusoo oogay dacwado musuqmaasuq iyo wax is daba marin la xidhiidha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga