Lebanon waxa ka bilaabmay dibad baxyo waawayn oo lagagasoo hor jeedo dawladda, kadib qarax wayn oo maalmo ka hor ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Beyruut.
Kumanaan qof ayaa iskugu yimi wadooyinka magaalada Bayruut iyagoo dalbanaya in xukuumaddu ay is-casisho.
Booliska iyo dadka ayaa isku dhacay iyadoo ay adeegsanayeen sunta dadka ka ilmaysiisa si ay u kala diraan dadka badan ee isku yimi.
Banaanka aqalka baarlamanka ayay dad badani taayiro ku gubeen iyadoo rabshadaha la arkayay.
Qaraxii maalintii Salaasada dhacay ayay shacab Lebonan u tirinayaan masuuliyad darro dhanka dawladda ka timi. Waxa qaraxa oo ka dhacay magaalada Beyruut ku dhintay illaa 137 qof halka in ka badan 5000 oo qofna ay ku dhaawacmeen.
Dibad baxyada ayaa imnaya xili aroornimadii Khamiista uu Lebonan booqasho ku tagay madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron. Dadka mudaharaadaya qaarkood ayaa ku qaylinayay in gumaystihii Faransiiska loogu dhibo talada hadii ay dawladdu waxba qaban wayday.