Masar waxa ka bilaabmay mudaharaado lagu diidanyahay madaxweynaha dalkaas Cabdulfataax alSisi.

Magaalada Giza ee kulaalaysa webiga Niil isla markaana aan ka fogayn magaalada caasimadda ah ee Qaahira ayay isugu soo baxeen tobanaan qof oo ku qaylinaya in uu is casilo alSisi.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo badan loo daad gureeyay Giza. waxa sidoo kale la adkeeyay ammaanka magaalooyin kale si aanay u faafin dibad baxyadu.

Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay dibad-baxayaal sita boodhadh lagusoo xardhay weedho dawladda ka dhan ah. 

Ciidamada ammaanka ayay isku dhaceen meelaha qaar dibad baxayaasha, waxaana ay dab qabadsiiyeen gaadiidka booliska.

Madaxweyne Sisi ayay xukunkiisa kasoo hor jeedaan in badan oo ka mid ah shacabka Masar, balse waa nin taageero ka haysta dunida Galbeedka oo taageersan hogaamintiisa Masar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga