Dunida waxa sii kordhaya dadka diidan tallalaka Covid-19 iyo in kahsab lagaga dhigo dadka aan rabin in ay qaataan tallaalkaas.

Dawladaha iyo khubarada caafimaadka ayaa raba in ay tallaalka fayraska Covid-19 khasab ama waajib kaga dhigaan dadka, gaar ahaan dadka raba in ay socdaalaan ama dhex galaan dadka.

Faransiiska ayay ka bilaabmeen mudaharaado waawayn oo lagu diidanyahay tallaalaka waajibka laga dhigay iyo in xanibaado la saaro dadka aan tallalaka qaadan.

Dunida waxa jira dad badan oo weli aan kalsooni buuxda ku qabin tallaalka Covid-19, xili talaalkani uu weli yahay mid horumarin ay ku socoto oo aan ahayn kii ugu danbeeyay.

Wadamada qaar ayaa maraya talaal xoojin ah oo ah kii afraad ee dadka lagu mudo sida dalka Maraykanka oo afar tallaal ay dadka qaar qaateen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga