Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay magaalada Mozambique ka dib markii buuro qashina la burburiyay, iyadoo cabsi laga qabo in dad-kale lagu aasay buurta qashinka.

Hawl-galada ayaa la bilaabay kadib markii Roobab culus ay ka da’een caasimadda Maputo Isniintii.

Qaar ka mid ah dadka guryahoodu u dhawayeen agagaarka qashinka ayaa la rumaysan yahay in ay dhinteen, ayuu yidhi afhayeenka Adeegga Badbaadada Dadweynaha.

“Macluumaadka aan ka helnay Warbaahinta caalamka ayaa ah in tirada dadka ku nool guryahaas ay ka badan yihiin 2.500 oo qoys, dhimashada la diiwaan geliyay ayaa gaadhaya 360 Ruux, sidaa darteed wali waa socotaa Baadhitaanada si loo arko haddii ay jiraan dhimasho kale.

Ka hor inta aysan burburin Qashinka, masuuliyiintu waxay waydiisteen dadka deegaanka inay ka baxaan guryahooda oo si sharci darro ah looga dhisay meel aan caqli-gal ahayn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ku dhowaad boqolkiiba 55 dadka Mozambique ku nool – qiyaastii 14 milyan oo qof – waxay ku nool yihiin saboolnimo, sida uu qabo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga