Tababaraha reer Burtuqaal ee Jose Mourinho ayaa loo dhiibay hogaanka naadiga ka dhisan magaalada London ee Tottenham, kadib markii shaqada laga eryay Mauricio Pochettino oo kooxdan tababare u ahaa tan iyo sanadkii 2014-kii.

Kooxda ayaanu wanaagsnayn qaab ciyaareedkeedu tan iyo intii uu bilaabmay horyaalka Ingiriisku sanadkan, waxaana jiray saluug ay kooxdu ka muujisay tababare Pochettino inkasta oo uu naadiga u dhigay rikoodho aaanu waligii hore u gaadhin. Sanadki hore ayuu keenay final-ka koobka Champions League-ga, kaas oo ay kaga adkaatay kooxda Liverpool ee horyaalka Ingiriiska ay kawada dheelaan.

Mourinho ayaa hore looga eryay kooxaha Manchester United iyo Real Madrid, balse dad badan ayaa la yaaban sababta ninkan oo 56-sanno jira uu mar kaste u helo shaqo heer sare ah marka laga caydhiyo mid kale. Mourinho wuxuu laba jeer ku guulaystay koobka Champion-ka halka uu saddex jeerna qaaday horyaalka Ingiriiska. Waa macalin khibrad badan leh, balse dad badani ay dhaliilaan macalin-nimadiisa sanadihii dhawaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga