Aadaanka salaadaha ayaa markii ugu horeysay cod sare lagu maqli doonaa masaajidka Daarul Hijra ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Maayirka magaaladan Jacob Frey ayaa arintan sheegay isagoo xusay in si wadajirka bulshada loosii ilaaliyo xili aan jamac la samayn karin ay tallaabadan qaadeen.

Culimada diinta ee deegaanka ayaa kasoo shaqeeyay iyadoo maamulka magaaladuna ay ku raaceen.

Kumanaan muslimiin Soomaali u badan oo ku dhaqan deegaanka Cedar-Riverside ayaa maqli doonaa adaanka salaadaha shan jeer maalin kasta. Mudada lagu jiro bisha baraykaysan ee Ramadaan oo lafilayo in ay bilato 48-ka saacadood ee inagusoo foolka leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga