Milatariga Taywan waxay walaac wayn ka muujiyeen cadaadis ay sheegeen in ay kala kulmayaan milatariga dalka Shiinaha oo marar badan todobaadadii lasoo dhaafay hawl-galo milatari ka sameeyay hareeraha jasiiradda Shiinaha ka goosatay ee Taywan.

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Taywan ayaa lagu xusay in laba jeer sanadkan gudihiisa ay milatariga Taywan isku dayeen in ay celiyaan diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha oo hawadooda galay, arintaas oo nabadda gobolka wax yeelayn karaysay.

Warbixin ay heshay wakaaladda Reuters oo ciidamada Taywan ay baarlmankooda gaadhsiiyeen ayaa lagu xusay in 129% ay ka badanyihiin hawlgalada Shiinuhu sanadkan marka la barbadhigo sanadkii tagay ee 2019.

Ammaanka jasiiradda ayaa lagu xusay warbixinta in uu marar badan khatar galay, taas oo Shiinaha ay masuuliyadda ku eedeeyeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga