Goalha miltariga dalka sudan ee imika haya xukunka, iyo hogaamiyasha dibadbaxyada oo ay weheliyaan Mucaaridku ayaa gaadhay is-afgarad, kadib todobaadyo uu taagnaa muran ka dhashay cida qabanaysa talada sudan, kadib madaxweyne cumar albashir.

Labada dhinac ayaa isku raacay in ay dhisaan dawlad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho.

Kumanaan ka mid ha shacabka dalka sudan ayaa wali wada dibadbaxyo aan kala go’ lahayn, iyagoo miltariga ka dalbanaya in ay talada ku wareejiyan dawlad rayid ah.

Daladda ay ku midoobeen gaarab-yaada dibadbaxyada iyo mucaaaridka, iyo miltariga oo dhinac ah ayaa wadaxajjood u socday maalmihii ugu danbeeyay.

Afhayeen u hadlay miltariga yaa xusay, in wadahadlku ay kubillbmeen waji daacadnimo iyo daahfurnaani ku dheehantahay, sidaa darteedna uu kasoo baxay natiijo ay dhinacyada oo hdami ku qanceen.

Wuxuu intaa ku daray in wadahadalu ay socondoonaan illaa inta matiijo kama danbays ah lagasoo saarayo.

Wali majirto xili go’an oo mltarigu ay balanqadeen in ay wareejindoonaan talada, xili ay markii ahayd in ay talada hayaan muddo 2 sanno ah, kaidbna la qabto doorasho ay dadku kusoo doortaan maxaweyne rasmi ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga