Duqii hore ee magaalada New york, Mike Bloomberg, ayaa shaaciyay inuu ka hadhay doorashada loogu jiro xulista murashaxa xisbiga Dimuquraadiga uga qaybgalay doorashada madaxwaynenimada Maraykanka.

Mr. Bloomberg, ayaa kamid ah maalqabeennada sida wayn looga yaqaan adduunka, kaasoo sidii uu u noqon lahaa murashaxa xisbiga Dimuquraadigana ku kharash gareeyay malaayiin dollarka Maraykanka ah.

Doorashadii Salaasada ee Super Tuesday, taas oo ay kula tartamayeen murashaxiin kale oo ay kamid yihiin Bernie Sanders iyo Joe Biden, ayuu Bloomberg kala kulmay guul-darro wayn, iyadoo dadka dhaliilaa ay sheegeen in kharashka kaga baxay doorashadanna ay ku dhowdahay nus Bilyan dollar.

Bloomberg, ayaa hore u sheegay in ujeedkiisu ahaa inuu wax ka bedelo nolosha dadka Maraykanka, balse dad badan oo Maraykanka ah ayaa aaminsan in lacagta uu ku bixiyay ay wax ka tari lahayd dadka uu rabo inuu noloshooda wax ka bedelo.

Mike Bloomberg ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray Joe Biden, isagoo sheegay inay iska caddahay in Biden uu noqon doono murashaxa xisbiga Dimuquraadiga.

Doorashadii Super Tuesday ayaa waxaa 9 gobol oo kamid ah ku guulaystay Joe Biden, kaasoo ku tilmaamay in habeenkaasi uu ahaa mid taariikhi ah iyadoo taageerada Bloomberg ee Bidenna ay noqon doonto mid wayn.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga