Midawga Reer Yurub waxay dajinayaan qorshe ballaadhan oo maal galineed kaas oo lagu bixinayo balaayiin yuuro.

Waa qorshe lagu sheegay in Midawga Yurub ay kula tartamayaan dhankooda saamaynta Shiinaha ee dunida iyo mashruuciisa Suunka iyo Wadada kaas imika si aan hore loo arag ugu fidaya dunida oo dhan gaar ahaan Asia iyo Afrika.

Meelaha ay beegsabayaan Midawga Yurub waxa ka mid ah waaxaha isu socodka, tiknoolajiyadda, cimilada iyo tamarta.

Shiinaha ayaa balaayiin dollar ku maal galiyay wadaada saboolka ah iyo kuwa horumaraya, taas oo keentay in wadamada kalena ay kordhiyaan tartankooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga