Midawga Yurub waxay qaadanayaan tobanaan kun oo ka mid ah qaxootiga shacabka Afkaanistaan ee ku dac daraysan wadamo badan oo dunida ah.

Illaa 15 dawladood oo ka tirsan Yurub aya aqbalay in ay qaataan muhaajiriin tiradoodu gaadhayso 40,000 oo qof.

Dalka Jarmalka ayaa ugu horayn sheegay in uu dib u dejin u samayn doono muhaajiriin tiradoodu gaadhayso 25,000 oo Afkaanistiyiin ah. Dalka Holland ayaa isna qaatay muhaajiriin dhan 3,000 oo qof. Wadamada Faransiiska iyo Spain ayaa iyaguna marti gelin doona min 2,500 oo qoxooti ah. Halka dawladaha soo hadhayna ay tiro intaas ka yar qaadan doonaan.

Shacabka Afkaanistaan ee aan rabin xukunka kooxda Daalibaan ayaa ka cararay dalkaas, halka kuwo kale ay si quus ah wadanka u joogaan iyagoo aan garanahayn meel ah u baxaam.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga