Midawga yurub ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arinta wadanka iran. Iyagoo muujiyay walaaca ay ka qabaan in xukuumadda tehran ay kordhiso xadiga yuraaniyamta ah ee ay farsamayso.

Madaxa arimaha dibadda midawga yurub, federixca mogarini oo wartabiyayasha kula hadlaysay magaalada barsules, waxay xustay in iran aanay isku xidhin xiisadda taagan iyo heshiiskii ay quwadaha caalamku la galeen sanadkii 2015-kii, kaas oo iran ay balanqaaday in ay yarayn doonto horumarinta barnaamijkeeda nukiyeerka.

Mogarini waxay intaa ku dartay in xukuumadda tehran ay qadariso, dedaalda ay wadaan wadamada faranisiiska, ingiriiska, iyo jarmalka, si loo ilaaliyo heshiiska, oo araykank uu mar hore ka baxay.

Kabixitaanka maraykanka ee heshiiska ayaa ah saldhigga madmadawga badan ee imika heshiiska soo galay.

Muranka u dhaxeeya maraykanka iyo iran ayaa gaadhay halkii ugu sareeyay. Iyadoo wali aanay midhadhalin dedaalo lagu dhexdhexaadinayay.

Midawga yurub wuxuu iran usoo jeddiyay in ay dib uga laabato balanqaadkeeda ah inay tayaynayso barnaamijkeeda nukliyeerka. Balse wali ma jiro wax ar ah oo kasoo baxay dhanka iran.

Iran waxay midawga yurub ku eedaysay in aanu waxba kala qaban iibgaynta saliideeda oo maraykanku uu cunqabatayn saaray. Waxayna taa badalkeeda tibaaxday in ay qayb ahaan ka baxayso heshiiskii ay ku yaraynaysay tatayta barnaamijkeeda nukliyeerka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga