Midawga Yurub waxay isla qaateen qorshe ay kaga dabaashaan saamaynta xun ee xanuunka Covid-19 uu sababay, taas oo mid dhaqaale iyo mid bulshaba leh.

Madaxda Yurub oo afar habeen oo xidhiidh ah shiraysay waxay meel mariyeen adduun lacageed oo dhan $859bn oo wax lagaga qabanayo saamaynta Covid-19, si ay wadamadu usoo kabtaan. Waa lacagtii ugu badnayd abid ee Midawga Yurub uu dayn ahaan u galo. Kulankooda oo maalintii Jimcaha bilaabmay ayaa qaatay in ka badan 90 saacadood, waa kulankii ugu dheeraa ee madaxda Yurub ay yeeshaan wixii ka danbeeyay kulan ay sanadkii 2000 ku yeesheen Nice ee dalka Faransiiska, 

27 dawladood oo reer Yurub ah ayaa lacagtan heli doona, iyadoo qayb ka mid ahi ay daymo tahay. Wadamada uu xanuunka sida ba’an ugu dhuftay ayaa heli doona saami badan. Talyaaniga iyo Isbaanishka ayaa la filayaa in ay xadi badan heli doonaan.

Xanuunka Covid-19 ayaa badi curyaamiyay dhaqaalaha wadamada ugu dhaqaalaha buuran Yurub oo ay ku jiraan Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaanigu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga