Golaha Midawga Murashaxiinta ee Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo iyo raysalwasaarihiisa Rooble, oo maalmihii lasoo dhaafay uu soo if baxay khilaafka u dhaxeeyaa.

Golaha ayaa taageero u muujiyay raysalwasaare Rooble iyagoo ku raacay in isagu uu maamulo hawlaha xukuumadda xiliga kala guurka uu dalku ku jiro.

Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku sheegayo in laamaha dawladda aanay heshiis gali karin mudada kala guurka halka Rooble oo arintaa diiday isagoo bayaan kale soo saaray.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga