Midawga Murashaxiinta madaxtinimada ee dalka Soomaaliya ayaa amdaxweyne Farmaajo waxay ku eedeyeen masuuliyadda shirkii fashilmay e wada hadalada doorashooyinka, kaas oo shalay natiijo la’aan kusoo dhammaaday.

Golaha Midawga Murashaxiinta ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen ‘in madaxweyne Farmaajo uu caqabad ku yahay qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana uu isagu is hortaagayo tallaabooyinka saamaxaya in dalka doorasho laga qabto’, iyagoo tusaale usoo qaatay qodobo shirarkii hore tixraacaya.

Xukuumadda fedeeraalka ayaa iyadu fashilka shirka ku eedaysay maamulada Jubaland iyo Puntland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga