Midawga Afrika wuxuu bedelayaa ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan dalka Soomaaliya oo xukuumadda raysalwasaare Rooble ay caydhisay.

Waa maalmo kadib markii Midawga Afrika uu diiday in uu bedelo danjirahooda Soomaaliya, iyagoo raacay go’aan kasoo baxay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya isla markaana diiday amarka raysalwasaaraha ee sheegayay caydhinta ergeyga.

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika in uu sameeyay wax ka baxsan shaqada uu u joogo Soomaaliya.

Ergey cusub oo u dhashay dalka Nigeria ayaa la filayaa in uu bedeli Farancisco Madeira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga