Mid Ka Mid Ah Xujaydii Sanadkan Gudanaysay Acmaasha Xajka, Oo Ka Soo Jeeda Dalka Ciraaq, Ayaa Isku Dilay, Gudaha Xaramka. Sida Ay warbaahinta U Xaqiijisay Hay’Adda Xujaajta Dalka, Xaajiga is Dilay ayaa Is kasoo Tuuray Mid Ka Mid Ah Dabaqdaya Masjidka Xaramka,
Telefishanka Laga Leeyahy Dalka Sucuudiga, Ee Al Carfabiya, Ayaa Sheegay In Laba Qof Oo Kale Ay Ku Dhaawacmeen Markii Uu Ninkani Iska Soo Tuuray Dabaqa Sare. isla Markaana Xaaladdooda Lagula Tacaalayaa Mid Ka Mid Ah Cisbitaalada Magaalada Makka.
Tani Maaha Dhacdadii Ugu Horreysay Ee Qof Isku Dilo Gudaha Masjidka Xaramka, Waxaa Sidoo Kale Sannadkan Gudihiisa Laba Qof Oo Midi U dhashay Waddanka Sacuudiga ayaa iskasoo Tuuray Barta Ay Dhacdadani Ka Dhacday.
Xujayda Sannadkan Ka Soo Xajay Dalka Ciraaq Ayaa Gaadhaya 38 Kun. Xaaji Dalka Ciraaq Ayaa Loo Kordhiyay Tirada Kasoo Xajaysa, Waxaana iyada oo Loogu Daray 4 Kun Oo Xaaji.
Gudashada Axmaasha Xajka Ayaa Lasoo Gabagabeeyey Jimcihii Iyada Oo Xujayda Sannadkan Soo Xajtay Ay Gaadhayso 2.4 Milyan, Oo Ka Kala Yimi Daafaha Dunida