Mexico waxay noqonaysaa dalka sadexaad ee ugu dhimashada badan xanuunka Covid-19. Waxa ka horeeya dhanka dhimashada Maraykanka iyo Brazil oo boqolaal kun oo qof ay kaga nafwaayeen Covid-19.

In ka badan 46,000 ayaa xanuunka ugu geeriyooday dalka Mexico ee dhaca Waqooyiga Ameerika. Nus milyan qof in ku dhaw ayaa sidoo kale laga helay Covid-19.

Dalka Ingiriiska ayaa hore u ahaa dalka sadexaad ee ugu dhimashada badan, iyadoo ay ku dhinteen dad ka badan 45,000.

Hay’adda arimaha caafimaadka ee Qaramada Midoobay, WHO, waxay ka digaysaa in saf-marku uu yeeshu saamayn tobanaan sanno socota.

Maamulada gudaha ee Mexico ayaa qaba in tirada dhabta ah ay ka badantahay inta lagu waramay ama ay dawladdu sheegayso, waxay ka walaac badantahay xaaladda imika jirta.

Madaxweyne Andres Manuel Lobez wuxuu rabaa in dhaqaalaha dib loo furo. Dalka ayaa la ciirciiraya dhaqaale xumo baahsan oo nolosha dadka taabatay.

Boqolaal kun oo qof ayaa shaqooyinka warshadaha dib ugu laabtay badhtamaha bishii June, waxayna dadka dibadda usoo baxay mar kale kordhiyeen tirada xanuunka laga helay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga