Ciyaaryahanka heerka caalami ee Lionel  Messi ayaa ku guulaystay xalay in xulkiisa uu la qaado koobka Copa America, oo taariikhda markii ugu horaysay uu la qaaday xalay.

Messi ayay dhibaato wayni ka haysatay in xulkiisa uu koobab la qaado hadii ay tahay koobabka qaaradiisa iyo kuwa caalamkaba, balse xalay ayuu taariikh cusub dhigay.

Argentina ayaa xalay 1-0 kaga badisay xulka qaranka Brazil, taas oo dhabaha u xaadhay taariikhda Messi uu mudada dheer sugayay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga