Waxaa soo gebagabawday xaflad lagu soo xidhayo shirka heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo muddooyinkii ugu danbeeyey ka socdey magaalada Muqdisho, madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia ayaa qoraal ay soo saartay oo uu soo xiganayo telefishanka Saab TV waxaa lagu yidhi:
 ”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed heshiiska dhammeystirka wadahadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada oo ku salaysan heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dhinacyada shirka ka qeybgalay kaalinta ay ku lahaayeen heshiiskan, isaga oo si gaar ah ugu ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble doorkiisa wax-ku-oolka ah ee ka miro-dhalinta dhaqan-gelinta heshiisyadii hore loo gaaray.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay hortaallo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada howl baaxad leh oo ku aaddan xaqiijinta fulinta heshiiskan si lagu wada qanacsan yahay oo rajo galineysa Shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa la joogaa wakhtigii loo jiheysan lahaa doorasho hufan iyada oo laga dheeraanayo fal kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida dalka iyo qabsoomidda doorashooyinka qaranka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay dalkeenna in uu sii ambaqaado xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, nabadda iyo midnimada, isaga oo xusay in ay saldhig u tahay geeddi socodka doorashooyinka iyo xasilloonida dalka, taas oo ka tarjumaysa biseylka iyo qaangaarnimada siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed.
Munaasabadda dhaqan-gelinta Heshiiska Doorashooyinka Dalka waxaa ka qeyb galay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si maqal iyo muuqaal ah aaladda Internet-ka ugaga qayb galay”
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga