Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dhageysiga dacwadda uu usoo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran.

Dacwadaas ayaa la xidhiidha xayiraddii safar ee dhamaadkii bishii September lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed. Baashe ayaa ku dooday in maxkamadda sare ay tahay mid madax bannaan oo dacwad qaadi karta, isla markaana aanay jirin cid u yeedhin karta go’aammada ay maxkamaddu gaadhi doonto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga