Cranes and trucks get ready near a container ship on May 5, 2015 in the Doraleh harbour in Djibouti. AFP PHOTO / CARL DE SOUZA (Photo credit should read CARL DE SOUZA/AFP/Getty Images)

Maxkamadda Sare Ee England & Wales Ayaa Soo Saartay Amaro Ay Kaga Joojinayso Dawladda Jabuuti Inay Ka Baxdo Heshiiskii ay la gashay Shirkadda Dp World ee Laga Leeyahay waddanka Imaraatka Carabta Taas oo Maamusha Dekada Dooraale.

Maxkamadda ayaa Ka Hor Istaagtay Dawaladda Jabuuti In ay Erido Agaasimeyaasha Kontaynarrada Ee Dekadda Dooraale.

Maxkamaddu Waxay Ku Amartay Hay’adda Marsooyinka Jabuuti In Aysan Faragelin Ku Samayn Maamulka Kontaynarrada Ee Dekadda Dooraale Ilaa¬† inta Amar Dheeraad Ah ay Maxkamaddu Kasoo saarayso Khilaafka Labada Dhinac.

Guddoomiyaha Dekedaha Iyo Goobaha Canshuuraha Ka Caaggan ee Jabuuti, Abuubakar Cumar Xaddi, oo Goor Dhawayd warbaahinta La Hadlay ayaa Ku Gacan Saydhay Go’aankaas Maxkamadda Ka Soo Baxay, Isagoo Sheegay Inuusan Wax Saamayn Ah Ku Yeelan Doonin Shaqada Kontaynarrada Ee Dekadda Dooraale.

Amarkan ayaa naqonaya kii Seddexaad Ee Ay Maxkamad Ka Soo Saarto Khilaafka U Dhaxeeya Jabuuti Iyo Shirkada Laga Leeyahay Imaraatka Carabta Ee Dp World.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga