Maxkamadda Cadaalada Dunida ee loo yaqaano ICJ ayaa war rasmi ah kasoo saartay kiiskasida wayn loo wada sugayo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo kenya oo ku muransan biyo dhaca Badweynta Hindiya.
ICJ ayaa war ay soo saartay waxay ku cayintay wakhtiga rasmiga ah ee kiiska ay go’aanka ka gaadhayso, iyadoo ku sheegtay 12-ka bisha October ee 2021 oo imika ay inaga xigto wax ka yar hal bil.
Hore waxa warkan ugu sheegay dadka Soomaalida ah raysalwasaare ku xigeenka dawladda Soomaaliya, Mahdi Maxamed Khadar Guleed, balse imika waxa faafisay maxkamadda ICJ.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku muransan biyo la sheegay in khayraad badani uu ku jiro oo dhaca Badweynta Hindiya.