Maxkamadda Ciidamada Somalia Ayaa Xukun Ku Riday Dhalinyaro Ku Eedeysan Farsameynta Qaraxyada
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Somalia Ayaa Saaka Xukun Maxkamadeed Ku Riday Eedeysanayaal Loo Heysto Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ayaa Sheegay Raggan In Ay Maxkamadda Ka Hor Qirteen In Ay Ka Tirsan Yihiin Al-Shabaab, Lana Dhageystay Doodii U Dhaxaysay Xeer Ilaalinta Iyo Qareennada Difaacayay Raggan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ayaa Maxamed C/Raxmaan Maxamuud Waxa Ay Ku Xukuntay Xabsi Daa’In, Iyada Oo Jamaal Maxamed Cali Iyo Axmed Aadan Weerar Ku Xukuntay Min 10 Sano Oo Xabsi Ciidan Ah.