Madaxweynaha Maraykanka ayaa la sheegay in uu iska dhego tiray ama diiday talooyin ay siiyeen jeneraalada ugu sareeya ciidamadiisa.

Jeneraal Mark Milley iyo Jeneraal Frank McKenzie ayaa baarlamanka Maraykanka u sheegay in madaxweynuhu uu waxba ka dhagaysan waayay iyagoo ku taliyay in askar dhan 2,500 lagu daayo gudaha Afkaanistaan.

Hadalada kasoo baxay saraakiishan ayaa beeninaya hadalo uu hore u yidhi Biden oo ahaa in isaga iyo khubarada ciidamadu ay isku raaceen bixitaanka ciidamada Maraykanka.

Maraykanka ayaa dhammaadka bishii August ka baxay Afkaanistaan, taas oo keentay jahawareer iyo in Daalibaan ay la wareegto talada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga