Magaalada Garbahaarey waxa maanta ka socota doorasho lagu sheegay mid lagu dooranayo kuraas dhan 16 kursi oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay maamulka Jubaland.

Kuraastan ayaa lagu doortay magaalada Ceelwaaq iyadoo ay ansixiyeen gudiyada heer federaal iyo heer maamul goboleed, waxaana soo dhaweeyay maamulka Jubaland.

Doorashada cusub ee Garbahaarey ayay daba ka riixaysaa Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo oo doorashada Ceelwaaq ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Gudida doorashada ayaa sababo amni dartood doorashada ugu qabtay Ceelwaaq iyagoo kasoo wareejiyay Garbahaarey, balse Farmaajo oo kasoo jeeda deegaanka ayaa diiday.

Lama oga waxa uu ku danbayn doono khilaafkani iyadoo hadii xildhibaanada lagu doortay Ceelwaaq la siiyo shahaadada ay u muuqato in ay noqonayaan xildhibaanada rasmiga ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga