Madaxweynaha dawlad-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan laga talo galin shirka heerka sare ah ee ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo lagu lafo-gurayo arimaha Soomaaliya hadii ay tahay, amniga, dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda.

Siciid Deni wuxuu tibaaxay in Puntland ay diyaar u tahay horu-socodka Soomaaliya, isla markaana laga qaldanyahay maamulkiisa. Wuxuu dalbaday in dood furan ay iskugu yimaadaan dawladda dhexe, si loo ogaado cidda qalda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa maanta la filyaa in lagusoo gabagabeeyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga