Madaxweynaha dalka maraykenka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamda ameerikaanka ee uu ka saarayo gudaha dalka suuriya uu ku xoojindoono ciidamda maraykenka ee jooga dalka ciraaq.

Trump ayaa sheegay in maraykanka ay ahmiyad ballaadhan ugu fadhido in uu saldhig wayn ku yeesho dalka ciraaq si buu yidhi ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa milatari ee dalka iran, oo uu ku tilmaamay waddan dhibaato wata.

Waraysi uu siiyay telefishanka CBS ee dalka maraykanka ayuu Trump ku sheegay in maamulkiisu uu xoojinayo joogitaanka Maraykanka ee gudaha Ciraaq, isagoo dhanka kale amray in illaa 2-Kun oo ka mid ah miltarigiisu  ay ka baxaan dalka Suuriya.

Barham Salih, Madaxweynaha dalka Ciraaaq oo dhankiisa arintan ka hadlay ayaa tibaaxay in madxweyne Trump aanu fasax ka haysan dalka Ciraaq si uu ula socda dhaqdhaqaaqyadda Millateriga ee dalka Iran.

Salih oo ka hadlayay Magaaladda caasimadda ah ee Baqdad ayaa intaa ku daray in Maraykanku aanu marsiisan karin danihiisa u gaarka ah isagoo sheegay in xidhiidh wanaagsani uu ka dhexeeyo dalka iran iyo wadamadda kale ee ay ciraaq jaarka yihiin.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ka baxay Heshiiskii nuklioyeerka ee u dhaxeeyay wadamadda ugu cududa wayn dunida iyo dalka iran, isgoo dhaliilo xoogan u jeediyay xukuumadda Tehran.

Bishii November ee sanadkii Tagay ayuu dib ugusoo Rogay cunqabatayn cusub oo dhinacyo badan leh, balse wadamadda reer Yurub ayaa Trump ka diiday in ay ku Raacaan Cunqbataynta cusub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga