Daniel arap Moi oo ahaa madaxweynihii labaad ee ay Kenya yeelato ayaa saaka aroortii hore ku geeriyooday dhakhtar ku yaala magaalada caasimadda ah ee Nairobi, kadib xanuun loo dhigay cisbitaalka. Da’diisa ayaa ahayd 94-sanno, waxaana geeridiisa xaqiijiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Mr. Moi ayaa dalkan ku yaala Bariga Afrika u talinayay intii u dhaxaysay sanadihii 1978 iyo 2002, waana madaxweynihii ugu mudada dheeraa ee Kenya ay yeelato.

Dadka qaar waxay ku sheegi jireen kaligii-taliye, balse in badan oo Kiiniyaan ah ayaa u yaqaanay aabaha midaynta xili uu markaas uun talada kala wareegay Kenyatta.

Muddo 25-sanno oo uu kursiga ku fadhiyay wuxuu la kulmay dhaqaale xumo baahsan isagoo sanadihii danbe wajahayay cadaadis xoogan oo ku aadan sidii xukunka uga degi lahaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga