Biden iyo Putin waxay markii ugu horaysay ka wada hadleen khadka telefanka tan iyo intii Joe Biden ka wareegay hoggaanka Aqalka Cad.

Labada madaxweyne oo kala hogaaminaya laba dal oo si wayn u xafiiltama ayaa ka wada hadlay arimaha weerarada dhanka internet-ka ee dawladda Maraykanka lagu qaaday, dib u cusboonaysiinta heshiiskii nukliyeerka ee Ruushka iyo Maraykanka iyo arimo kale.

Aqalka Cad ayaa yidhi “madaxweyne Biden wuxuu si cad ugu sheegay Ruushka in Maraykanku uu si adag u difaaci doono danahiisa qaranka. Isagoo ka jawaabaya handadaada uu Ruushku ku sameeyo xulafooyinkeena”

Aqalka Kremlin-ka ayaa isaguna dhankiisa yidhi “in xidhiidhka labada waddan la hagaajiyo waxay dan u tahay labada dhinac, iyo degenaashaha guud ahaan dunida. Wada hadalka labada madaxweyne wuxuu ahaa mid wax ku ool ah”

Biden iyo Putin waxay isla qaateen in la kordhiyo mudada uu sii jiri doono heshiiskii dhanka nukliyeerka ee u dhaxeeyay Washington iyo Moscow. Heshiiska ayaa xadidayay madaxyada nukliyeerka ee labada dal ay samaysan karaan.

Labada dhinac waxay isla qaateen in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo sii wadida xidhiidhka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga