”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaaradda Dalka Taiwan ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaaraddaasi”.
Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yidhi:
”Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka Taiwan u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo la xidhiidha Sidii loo dardargelin lahaa xidhiidhka hufan ee labada dal u dhexeeya, islamarkaana kor loogu qaadi lahaa, loona xoojin lahaa deeqaha waxbarasho ee ay Taiwan siiso ardayda reer Somaliland iyo mashaariicda horumarineed ee labada dal hore uga wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa.
Sidoo kale, waxa kulankan lagaga wada-hadlay arrimaha caafimaadka, gaar ahaan xakamaynta xanuunka Covid-19 iyo sidii ay Taiwan gacan uga geysan lahayd inay Jamhuuriyadda Somaliland hesho tallaalka cudurka Covid-19 oo dalal badan oo dunida kamid ahi ay dadkooda u bilaabeen sidii ay uga hortegi lahaayeen xannuunkaasi.
Kulankaas, oo kusoo dhammaaday is af-garad buuxa, waxana ay madaxweynaha Somaliland iyo safiirka Taiwan isla meel-dhigeen sii xoojinta wada-shaqaynta iyo saaxiibtinimada labada dhinac u dhaxeeya”
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga