War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in la xidhay dhamaan goobaha laga soo galo magaalada Kismayo, hadii ay noqoto cirka, dhulka iyo baddaba.

Go’aankan ayaa imanaya xilli maalinta Khamiista lagu wado inay doorashada madaxtinnimada maamulkaasi ay ka dhacdo magaalada Kismayo, iyadoo wali uu taagan yahay khilaaf balaadhan oo keenay in kooxaha mucaaradku ay iyana ku dhawaaqaan in isla maalintaas ay dooranayaan madaxweyne.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxay shalay hawada Magaalada Kismaayo ka celiyeen diyaarad la sheegay inay leeyihiin miletariga Itoobiya, taas oo loo diiday inay ka dagto garoonka Magaalada.

Jubbaland ayaa u muuqata mid ka hor tagaysa fara-galin lagu sameeyo doorashada, oo ay rabto in hanaanka ay u qoondaysay ay u dhacdo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga