Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay eedaymo uu hore ugu jeediyay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe.

Baashe Maxamed Faarax ayaa xusay in xuddunta khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Faysal ay tahay lacago laga jaray xisbiyada qaranka, kuwaas oo Golaha Wakiilada ee uu madaxda ka yahay ay meel mariyeen. Lacagta ay heli jireen xisbiyadu ayaa badh laga jaray, iyadoo gudoomiye Baashe uu hore ugu sababeeyay in ay lacagtaasi badantahay isla markaana ay u jareen cisbitaalada dalka, oo uu sheegay in ay baahi u qabaan. Lacag wadarteedu illaa $18, 000 ah ayaa saddexda xisbi laga jaray bishii. Baashe ayaa hadalo ‘gef ah’ ku tilmaamay hadaladii kasoo yeedhay Faysal, isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin. ‘Isku-dir,’ ayuu sidoo kale ku eedeeyay gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa intaa ku daray in hadda wixii ka danbeeya ay xisbiyada qaranku lacagaha ay sida sanadlaha ah u qaataan ay ku heli doonaan codadka ay ka helaan doorashooyinka, arintaas oo u muuqata hadii ay hir gasho in xisbiga UCID uu heli doono saamiga ugu yar.

Dhanka kale, hindise-sharciyeed cusub oo lagu rabo in aanu gudoomiye Faysal Cali Waraabe mar danbe isku soo sharaxi doonin doorashada madaxtinimada ayay wadaan Golaha Wakiiladu, sida uu sheegay gudoomiye Baashe. Waa tallaabo kale oo murgin karta xidhiidhka u dhaxeeya labada gudoomiye oo saamayn ku leh saaxadda siyaasadda Somaliland.

Waxa xusid mudan, in gudoomiyaha xisbiga UCID uu saddex jeer iskusoo taagay doorashada madaxtinimada balse dhammaan uu ku guul-darraystay in uu qabto kursiga looga arimiyo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, wali kamuu hadal eedaymaha cusub ee Baashe uu u jeediyay.

 

Muxuu Yidhi Faysal Cali Waraabe?

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa 28-kii bishan May oo ku beegnayd maalintii Khamiista wuxuu hadalo eedayn u dhignaa u jeediyay gudoomiye Baashe Maxamed Faarax, mar uu ka hadlayay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya. “Anagaa Baashe khaati ka joongoo, oon tagayn meesha laydhaahdo Laascaanood aan lagusoo dhawaynayn, oon tagayn Kalabaydhka, ayaa hadda doorashadayadii sidaa u haysta. Dee wuxuu naga fariidsanyahay Deni (madaxweynaha Puntland)”.

Isla maalinkii Khamiista ayuu Faysal Cali Waraabe raali-gelin ka bixiyay hadalka uu yidhi, kadib dhaleecayn xoogan oo uu wajahay iyo culaysyo la sheegay in deegaankiisa ay uga yimaadeen si uu raali-gelin u bixiyo. Xildhibaano dhawr ah oo kasoo jeeda gobolka Sool ayaa ka mid ahaa dad dhibsaday hadalka Faysal Cali Waraabe.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga