Madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi, ayaa waxaa uu kormeer ku tegay kulliyadda tababarka saraakiisha ciidanka ee layidhaa Cabdillaahi Askar, taas oo ku taalla deegaanka layidhaa Dardarwayne.

Madaxwaynaha, ayaa u kuurgalay xaaladda ciidanka halkaa ku sugan iyo gaadiidkooda dagaalka ee kala duwan.

Taliyeyaasha booliska iyo ciidanka qaranka, Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale iyo Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn goobta ka hadlay iyagoo ka waramay waxa u hirgalay iyo hiigsigooda

“Maanta waxa aan halkan u imi, maaddaama oo xanuunka jira ee COVID-19 dartii aynaan u samayn Karin dhoolla-tus ciidan oo ciidamada mid waliba halkiisa ku negaaday, waxannu door bidnay inaanu u nimaadno inay halkan joogaan ardaydii ku habboonayd inay metelaan ciidamada ee soo koroysay, haddii ay yihiin layli sarkaal iyo shaqo qaranba, iyo guuto kamid ah guutooyinka ciidanka oo qolada Taangiisteyaasha iyo Tignikadu ugu horreeyaan oo ahaa kuwii u diyaar garoobayey inay maraan sannadkan suuqyada magaalada,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Gebagabadii waxaa hadalka qaatay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ka warramay ujeedka kormeerkiisa, isagoo la dardaarmay ciidanka.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga