Hogaanka ururka Ahlu Sunna ayaa dhaliilo ka muujiyay dhismaha maamulka Galmudug loo dhanyahay oo ay dawladda dhexe ka wado magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxa Ahlu Suna, ayaa ka digay in haddii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isbaddal la iman weydo ay iyaguna bilaabi doonaan howlo ay ku soo dhisi doonaan maamul kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar ka mid ah musharrixiinta madaxtinimada Galmudug ay diideen in ay ka qeybgalaan doorashada, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu isna magaalada Gaalkacyo ka wado howlo u gaar ah oo uu maamul ku soo dhisayo.

Sheekh Maxamed Shaakir waxa uu xusay in maamulkoodu uu rabo jagooyinka ugu sareeya ee maamulka hadda la wado.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga