Maxamed bin Salman, oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga ayaa walaac balaadhan laga muujiyay hogaamintiisa. Xubno ka tirsan boqortooyada ayaa markan si cad u diidan in uu noqdo boqorka bedeli doona aabihii oo imika haya talada, sida lagu sheegay warbixin ay daabcaday wakaalada Reuters oo waraystay xubno ka tirsan boqortooyada.

Walaacan yaa ka danbeeyay kadib weeraradii bishii hore lagu qaaday ceelsha shidaalka waddanka. Kuwaas oo dhaawac daran soo gaadhsiiyay wax soo saarka saliida, xili uu Sucuudigu yahay waddanka saliida ugu badan u dhoofiya dibadda.

34-jirkan oo awood badan leh, ayaa al saluugsan yahay siyaasadihiisa ku wajahan gobolka, hadii ay tahay arinta Iran. Dagaalka uu ka bilaabay Yemen oo ugu danbayn keenay weerarada ceelasha saliidda, iyo hanaanka isbedel ee uu ku dhawaaqay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga