Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani ee Somaliland ayaa looga yeedhay xarunta CID-da ee danbi-baadhista magaalada Hargeysa.

Xirsi Cali X. Xasan ayaa saaka tegay xarunta danbi baadhista ee CID-da, iyadoo ay wehelinayaan saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga Waddani, kuwaas oo aan iyaga loo yeedhin balse taageero siinaya gudoomiyaha xisbiga.

Weli lama oga sababta dhabta ah ee loogu yeedhay gudoomiyaha xisbiga Waddani, absle saraakiisha inta badan looga yeedho xarumaha danbi-baadhista ayaa wax laga waydiiyaa hadalo ay hore u yidhaahdeen iyo cadaymaha ay u hayaan.

HADALKII UGU DANBEEYAY EE XIRSI YIDHI

Gudoomiyaha xisbiga Waddani wuxuu 30-kii December ee bishii hore qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arimo kala duwan. Waxa uu eedaymo culus u jeediyay madaxweynaha Somaliland kana mid ahaayeen, dastuurka iyo xeerarka dalka oo uu ku tuntay, baasaaboor ajanabi ah oo aanu weli celin iyada oo sharci darro ay tahay, in aanu tix galin xeerarka dalka iyo hadalada is khilaafsan ee madaxweynaha.

Lama oga in yeehdista xarunta danbi baadhista ee Xirsi ay la xidhiidho hadalada eedaymaha ah ee uu u jeediyay madaxweynaha hadalkiisii ugu danbeeyay, balse hore masuuliyiin uga tirsan xisbiga ayaa looga yeedhay CID-da iyadoo wax laga waydiiyay hadalo ay khudbado ku jeediyeen.

SAFARKA KHAMIISTA EE MAGAALADA BURCO

Maalinta Khamiista ee totobaadkan bishuna tahay 6, January ayay murashaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI iyo gudoomiyah xisbigu safar ugu baxayeen magaalada Burco, halkaas oo laga wado qaban qaabo xoog leh iyo soo dhawayn.

Dadka falanqeeya siyaasadda Somaliland ayay qaarkood qabaan in yeedhista gudoomiye Xirsi ee xarunta CID-du ay noqon karto carqalad ay xukuumaddu ku samayso safarka Burco oo la filayo in soo-dhawayntii ugu waynayd ay la kulmaan abada masuul ee ugu sareeya xisbiga Waddani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga