Abaaro 2:30pm ee galabta ayaa badhtamaha magaalada Gothenburg ee Sweden mar keliya gabadh siyaasiyad ahi gaadhigeedii ay wadada badhtankeeda kaga carartay iyadoo wadaduna ahayd jidka ugu mashquulka badan ee hormara (central stationka) magaalada oo ah meesha maalintii dadka iyo gaadiidka ugu badaniba maraaan.
Qof walba oo meesha marayay waa uu naxay dadka qaar way Carareen qaar kalena gabadha dhankeeda ayay u yaceen si ay u caawiyaan.
isla Wakhtigiiba jidkii ayaa xidhmay gaadiidka qaarkood hoonka ayay yeedhinayeen iyagoo dareewalada aan dulqaadka badan lahayna ay ku qaylinayeen waar yaa wadada xidhay iyo ereyo kale oo la mid ah.
Isla qadar yar dabadeed gabadha oo talafoon gacanta ku sidatay ayna ka muuqato cabsi iyo welwel badani ayaa garaacday nombarka booliiska iyadoo u sheegtay in gaadhiga ay wadato uu hoosta kaga xidhanyahay bom qarxayaa.
Booliiska oo aan ka fogayn meesha arintani ka dhacday ayaa islamarkiiba uyimi iyagoo wadada iyo inta ku hareeraysan goobta gaadhigu yaalay ku xidhay xadhkaha digniinta ah ee inaan loo soo dhawaan waxaanay dad ku soo ururay kula hadlayeen cod baahiyaal ay ugu baaqayaan inay goobta ka durkaan inta baadhitaanku socdo.
Daqiiqado yar gudahood boolisku waxa ay dalbadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka hortagista iyo furfurista qaraxyada kuwaasi oo ku gaashanaa gaadiidka aan qaraxu karin,eey,haamaha naqaska iyo qalab kaloo tiro badan.
Sweden waa dhacdo naadir ah in gaadhi qof leeyahay loogu xidho bam sida ka dhacdada Somaliya iyo dalal kale oo caalamka ahba.
Ugu danbayntii 30 daqiiqo qadar gaadhaya ka dib boolisku markii ay dhameeyeen baadhitaankooda waxa ay ku ogaadeen inaanay jirin wax qaraxa oo ay gaadhigaasi ka heleen taas badalkeedana gabadha ayay su’aalo la yeesheen iyagoo baadhitaano dheeriyana ku samayn doona talafoonka soo wacay iyo cida looga shakiyi kara inay ka danbaysay dhacdada noocan oo kale ah oo guud ahaanba argagax gelisay dadkii meesha marayay iyo boqolaalka kale ee saarnaa gaadiidka dadweynaha.
Maxamed Cawad Maxamed Saab Tv Sweden